DEG DEG:- Sedax qof oo hadda Muqdisho lagu dilay

0

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sedax qof oo oo ka shaqeynaayay Garoonka Muqdisho iyo Xalane.

Rag hubaysan ayaa dadkaan dilay, waxaana raga la dilay ka mid ah shaqsi magaciisa naloogu sheegay Cali Madoobe oo ka mid ahaa waaxda Socdaalka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaaladda waa mid kacsan, waxaana halka dilka ka dhacay ku sugan ciidamo ka mid ah dowladda Soomaaliya, iyadoona howlgalo ay wadaan.

La soco wixii soo kordha.