DEG DEG:- Wararkii ugu danbeeyay weerar lagu qaaday Maareeyaha Qaybta saadaasha Hawada ee Garoonka Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay weerar dabley hubeysan saakay ku qaadeen gaari uu la socday Maareyihii Hey’adda Duulista iyo saadaasha Hawada ee Garoonka diyaradaha Aadan Cadde, iyadoo la sheegayo in dhaawac uu soo gaaray Maareeyaha oo markii hore lagu tirinayay inuu geeriyooday.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Maareeyaha iyo dad helo la ah ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in Maareeye Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) in la dhigay Isbitaalka Xalane ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM, halkaasoo dhaawiciisa lagula tacaalayo.

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir, halkaasoo uu degenaa Maareeyuhu.

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay warbaahinta  in gaariga uu la socday maareeyaha uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xafiiskiisa ku yaal, waxaana gaari kale oo rag dabley saarnaayeen ay soo daba dhigteen, kadibna ay ku hor-gooyeen, waxaana ay ku fureen rasaas.

Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay darawalka gaariga iyo nin ilaalo u ahaa, halka Cali Madoobe dhaawac culus ka soo gaaray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dableydii hubeysneyd ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe