Dhageyso: 30 Sarkaal Oo Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab Oo Isa Soo Dhiibay.

0

Muqdisho, AGGM: Maalmahaan dambe dawlada Soomaaliya waxay sheegeysay inay isku soo dhiibayeen Xubno katirsan Al Shabaab gobollada Dalka Somaliya waxaan taasi ay keentay baa la yiri duulaanka dawlada iyo AMISOM ka wadaan qeybo katirsan Gobollada Waddanka.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in isbuucaan gudihiisa isku soo dhiibeen kudhawaad 30 Sargaal oo katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in 11 Sargaal ay isa soo dhiibeen 20 bishaan,9 iska soo dhiibtay buulo mareer,2 ilaa 5 iska soo dhiibtay tuulooyinka qoryooleey hoostaga waxaana uu sheegay in ay u adkeysan waayeen gulufka dagaal ay sameynayaan ciidankooda.

Gudoomiyaha Qoryooleey waxa uu sheegay in badi dadka isa soo dhiibay ee dhinaca Shabaab ka yimid ay la joogaan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Siidii kaaso xiriir ay lasoo sameeyeen kadibna uu soo dhaweeyey.

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee Al Shabaab dagaalada kula galaan ciidanka Huwanta ah ee AMISOM iyo kuwa Dawlada Soomaaliya waxaana ciidankaasi sidoo kale iminka la socda Askar Mareykan ah sida uu xaqiijiyey Gudoomiyaha Qoryooleey Maxamed Xaaji Cusmaan.

Al Shabaab sida hore looga bartay ma aysan ka hadlin Saraakiisha iyo Askarta la sheegay inay dhankooda kasoo goosteen ee dawlada isku dhiibay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com