DHAGEYSO:- Dr. Axmed Faarax Ducaale “R/wasaaraha ayaa diidan shirka Garbahaaray”

0

Copenhagen, AGGM: Siyaasiga Dr.Axmed Faarax Ducaale oo ka soo jeeda gobalkada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ka hadlay sababaha hortaagan shirka lagu balansanyahay inuu ka furmo magaalada Garbahaaray ee gobalka Gedo.

Siyaasiga oo wareysi siiyay warbaahinta Allgaduuud Media ayaa u sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya uu dano gaar ah ka leeyahay arimaha Jubooyinka  taasina ay keentay inuu ka soo horjeesto gabi ahaanba shirka Beesha Sade.

Wuxuu sheegay siyaasiga in shirkaan uu qabsoomi doono ayna ka qaybgali doonaan dhamaanba dadka uu quseeyo laakiin wuxuu tilmaamay in R/wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed uu arintaan ku ceeboobay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com