Dhageyso: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Marin Habaabinta Shirka Jubboyinka Oo Gilgilay Xarunta Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM:Boqolaal Qof oo ka mid ah Dadka ku nool Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa maanta iskugu soo baxay Bartamaha Magaaladaasi,kuwaasi oo dhigay Banaanbax looga soo horjeedo qabsoomida Shirka dib u heshiisiinta Dadka Daga Jubbooyinka ee Magaalada Kismaayo ka furmaya 16-ka Bishaan oo ku aadan maalinta Barri ah.

Banaanbaxayaasha ayaa Xiray isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha,waxaana lagu soo waramayaa in ay Xireen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garbahaareey.

Dadki manta iskugu soo baxay Bartamaha Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahareey ayaa waxaay ku dhawaqayeen ereyo ay ka mid yihiin ma rabno in axmed madoobe uu marin habaabiyo Shirka Nabada Jubboyinka waxaan doonaynaa in uu Shirka Qabsomo 1 Octobar sida ay Dowlada Somalia Iclamisay iyo ereyo kale oo lidi ku ah Maamulka Axmed Madoobe.

Ugu danbeyn ayaa dadkaan waxaay Warqad cabasho ah u gudbiyeen Saraakiisha Amisom taas oo ay ku cadaynayaan in Shacabka Gobolka Gedo u qadacay shirka Axmed Madoobe sido kale waxay warqadooda ku sheegeen in Shir wada tashi ah u ka furmanayo Garbahareey 20 ka bisha kaas oo usbuc socon doona ka dib wixi ka soo baxa in shacabka Gobolka Gedo ay la tagi doonan Shirka Kismaayo ee 1 Octobar.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com