Dhageyso: Banaanbaxyo Roob Doon Ah Oo Maanta Ka Kala Dhacay Garbahaarey iyo Balad Xaawo.

0

Garbahaarey, AGGM: Waxaa maanta si isku mid ah uga dhacay Magaalada Buula Xaawo iyo Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey Banaanbaxyo Roob doon ah oo boqolaal shacab ah ay iskugu soo baxeen.

Wariye Madax banaan oo jooga Belad Xaawo Maxamed Cabdikiriin ayaa waxa uu sheegayaa in Dibadbaxa Roobdoonta ahaa maanta labo rakco oo Suno ah dadku ay ku tukadeen Fagaarayaal waa weyn oo dadku Salaadaha Ciida iskugu imaan jireen iyadoona goobta lagu duceystay in alle abaarta ka dul qaado.

Wariyaha waxa sidoo kale uu sheegayaa in Banaanbax la mid ah midka B/xaawo uu isna maanta ka dhacay Magaalada Garbahaareey oo dadku ku alle baryeen.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com