Dhageyso:Wasiiro Loo Xilsaaray Inay Soo Baaraan Kufsi Lagu Eedeeyey AMISOM.

0

Muqdisho, AGGM: Dhawaan ayaa waxa Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch waxay soo saartay Warbixin ay ku sheegeyso inay Ciidanka AMISOM kufsi ugu geysteen Magaalada Muqdisho Haween Soomaaliyeed.

Warbixinta HRW waxay ku sheegtay inay 21 Haween ah Askarta Ugandha iyo Burundi si aysan raali ka aheyn galmood ugu sameeyeen (Kufsi lagu qasbay) iyadoona taasi ay keentay in Saameyn kulul reebto inkastoo Taliska AMISOM ay ka gaabsadeen kahadalka waxay ka og yihiin Eeda loo soo jeediyey.

Hadaba Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in gudi Wasiiro ah uxilsaartay dabagal lagu sameeyo Kufsiga lagu eedeeyey Ciidanka AMISOM waxaana Wasiiradaasi ku jira Wasiirka Warfaafinta Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow & Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.

R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed ayaa waxa uu sheegay in hadii baaritaanka ay sameynayaan ay kusoo cadaato ciidanka AMISOM in falkaasi Kufsiga ah ay Haween Soomaaliyeed ugu geysteen Magaalada Xamar ay tallaabo Cad ka qaadi doonaan sida uu hadalka udhigay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com