Dhageyso: Dowladda Kenya Oo Xireysa 20-tan Masjid Oo Ku Kala Yaalla Magaalooyinka Mombasa Iyo Gaarisa..

0

Nairobi, AGGM: Wararka aan ka helayno magaalada Mombassa ee Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in Dawlada Kenya ay qorsheyneyso inay xirto Masaajidyo ku yaalla Halkaasi.

Qaar ka mid ah Culimada Islaamka ee deggan magaaladaasi ayaa waxay sheegeen in tallaabadaan ay tahay mid laga xumaado arintaasi kadib markii ay dawlada Kenya ciidankeeda ku wargeliyeen in la xirayo.

Sidoo kale Magaalada Gaarisa ayaa lasoo sheegayaa in Kenya ay dooneyso inay Albaabada ulaabto masjidyo dadka ku cibaadeystaan.

Shiikh Xasan Cameey oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Gaarisa deggan ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay guri illlaahey ay Kenya ku goodiso inay xireyso.

Dawlada Kenya ayaa tuhunsan in masaajida cibaadada ay dadka utagaan ay dheer tahay in Shabaabka Somaliya ay dhalinyarada ku tababar siiyaan si ay weeraro dalkeeda uga fuliyaan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com