Dhageyso:- Gaadiidka Ciidamada AMISOM Oo Loo Diiday Inay Dhexmaraan Degmada Warta Nabadda.

0

Muqdisho, AGGM:Maamulka Degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay amar kasoo saareen in gaadiidka AMISOM aysan soo dhexmari karin gudaha Xaafadaha Degmadaasi.

Arintaan ayaa waxa shaaciyey Gudoomiyaha Degmada Wardhiigleey/Warta Nabada Yaasiin Nuur Ciise kadib markii maanta Gaari AMISOM wateen uu jiiray cunug da’yar ahaa oo degmadaasi ku dhaqnaa.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Yaasiin Nuur Ciise ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in degmadaasi soo dhexmaraan Baabuurta AMISOM inta ay war cad kasoo saarayaan wiilkii ay gaarigooda maanta ku dilay Degmadaasi.

Waa Hadalkii ugu kululaa ee kasoo baxa Mas’uul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo xitaa tijaabinaya Awoodiisa Shacabkana ay ku taageeri karaan amarka uu soo saaray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com