DHAGEYSO Garabka Barre Hiiraale Oo Ka Soo Horjeestay Shirka Maanta Ka Furmaya Kismaayo

0

Iyadoo maanta maamulka Jubba ay ku dhawaaqeen shir inuu ka furmayo magaalada Kismaayo ayaa arintaasi waxaa dhaliilay Garabka Barre Aadan Shire Hiiraale oo sheegay in shirkaasi uusan waafaqsaneyn hishiisyadii horay loo kala gaaray.

Cabdi Shire Warsame oo ka tirsan Garabka Barre Hiiraale oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in shirkaasi aysan waxba dhankooda kala socon.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uusan waafaqsaneyn hishiiskii Addis Ababa iyo hishiisyadii kale, isagoo cadeeyay in shirkaasi lagu balansanaa inuu dhaco bilowga bisha soo socota ee October.

Wuxuuna ku tilmaamay in la doonayo in lagu marin habaabinayo shacabka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan Barre Aadan Shire ayaa dhankiisa sheegay in shirkaasi aysan waxba kala socon islamarkaana aysan ka qeyb galaynin.