Dhageyso: Golaha Nabadda Iyo Midnimada Jubba Oo Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha Eedeyn Kulul U Jeediyay.

0

Muqdisho, AGGM: Golaha Nabadda iyo midnimada deegaanada Jubba ayaa ku eedeeyay madaxda dalka in khilaaf iyaga ka dhaxeeya ay kula gal-galanayaan arinta magaalada Kismaayo.

Golahan oo uu guddoomiye u yahay Col. Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) ayaa daboolka ka qaaday in wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya magaalada Kismaayo uusan iyaga quseyn kadib markii ay ku andacoodeen in shirku yahay mid hal dhinac ay wataan.

Afhayeenka golaha nabadda Jubbooyinka Salaad Axmed Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shirkaasi aysan qeyb ka ahayn.

Wuxuu afhayeenka sheegay in madaxda dalka khilaaf iyaga ka dhaxeeya ay kula gal-galanayaan arinta Kismaayo oo uu tilmaamay in ay wanaagsanaan lahayd in loo maro sida sharcigu uu qabo.

Isku soo wada duuboo Col. Barre Hiiraale ayaan ka mid ahayn ergadii 16-ka bishan uga furmay Kismaayo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com