DHAGEYSO:- Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta meel mariyay xeera Saxaafada Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyay hindise sharciyeedka xeerka Saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxulow” oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay golaha Wasiirradu in ay dood adag ka yeesheen xeerka Saxaafadda isla markaana ay si buuxda u meel-mariyeen.

“Waxaa maanta si-buuxda loo meel-mariyay hindise sharciyeedka cusub ee xeerka Saxaafadda, Sharcigan Saxaafadda ayaa ah mid casri ah, ahna sharci soo maray isbadallo badan oo si isku mid ah u ilaalin doona kuwa ka shaqeeya warbaahinta iyo dadka caadiga ahba, kaasoo Soomaaliya ka abuuri doona jawi warbaahineed oo xorr ah”. ayuu yiri Dhuxuloow oo dhanka kalana xusay in xoriyatul qawlku uu qayb asaasi ah ka yahay calaamadaha shacabka xorta ah, saxaafada xorta ahna ay laf dhabar u tahay xoriyatul qawlka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay warbixin ku aaddan ammaanka dalka ka dhegaysteen Wasiirka Ammaanka Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxana ay wasiirradu sheegeen in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay in dalka uu soo gaaro cudurka halista ah ee Ebola kaas oo kumanaan dad ah ku dilay wadamo ku yaala galbeedka Afrika.