Dhageyso: Gudoomiye Jawaari Oo Bulshada Koonfur Galbeed Ugu Baaqay Inay Heshiiyaan.

0

Baydhabo, AGGM: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi Xildhibaanno ah oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu kusoo laabtay Magaalada Muqdisho jawaari inta uusan kasoo amba bixin baydhabo ayaa waxa u ugu baaqay bulshada degta Gobolada Koofur Galbeed in ay u istaagaan oo ay ka qeyb qaataan Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beydhabo.

Waxa uu Sidoo kale ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed in ay fikirkooda ku soo biiriyaan Shirkaasi, si looga wada tashado aayaha bulshada ku dhaqan Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.waxa uuna Sheegay in loo baahan yahay in laga wada Shaqeeyo hormarka Goboladaasi.

Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa ka socda Shirka dib u heshiisiinta Dadka daga Gobolada Koofur Galbeed inkastoo ay jiraan dad ka soo horjeeda Shirkaasi.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com