DHAGEYSO:- Gudoomiye Jawaari oo maanta shirar la yeelanaya Bulshada Baydhabo

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya, ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, wuxuu kula kulmi doonaa Guddiga Farsamada ee maamul usameynta Gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose.

Maxamed Xasan Fiqi oo ah Guddoomiyaah Guddiga farsamada ee maamul usameynta Gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose, ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho usheegay in kulanka looga arinsanaayo sidii loo wajahi lahaa dhismaha maamulka.
Wuxuu sheegay in Guddiyada iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ay isla meel dhigi doonaan, arimo badan.