Dhageyso: Maamulka Puntland “Cabdi Qaybdiid Anagaa General Ka Dhignay Isagoo Kornel Ahaa Lana Wada Ogsoonaa Inuu Ahaa Dambiile Dagaal”.

0

Garoowe, AGGM: Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warqad cabasho ah ay u direen Madaxda dowladda federaalka iyo bulshada caalamka, taas oo ay kaga cabanayaan xayiraad uu sheegay in dowlad Dowlada Puntland ku soo rogtay garoon dhawaan laga furay Koofurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Hadaba hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) ayaa waxaa ka jawaabay Cabdinasir Bedel Khalaf oo ah iskuduwaha wasaarada warfaafinta Gobolka Mudug.

Cabdinaasir Bedel Khalaf Iskuwadaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) uu doonayey inuu hub kala soo dago koonfurta magaalada gaalkacyo.

Cabdinasir ayaa sheegay in hubka uudoonayo inuu dagaal kula galo dowlada Puntland ismarkaas hubkaas uuyahay kii meesha calaamka ugu talo galeen dagaalka alshabab.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka soomaaliya ayuu Cabdinasir Bedel Khalaf sheegay inuu dagaal ka wado Gobolka Mudug dagaalkaas uu ku taageero Maamulka Galmudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com