Dhageyso+Fadeexad: Odayaal Dhaqan Oo Loogu Hanjabay In La Dilayo Haddii Aysan Ka Qaybgalin Shirka Laga Soo Sheegayo Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Waxgaradkaan oo cabsi awgeed u qariyay magacooda ayaa sheegay in ay u yimaadeen rag hubeysan oo wajiyada u qarsoon oo ka socda Axmed Madoobe kuwaasi ay sheegeen in ay u caga jugleeyeen.

“Raga waxa ay nagu dhaheen waa inaad shirka si qasab ah uga qeybgashaan hadii aad diidaan waxaan naqaanaa Guryihiina waana idin dileynaa” ayaa laga soo xigtay Odayaasha oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah.

Mar la weydiiyay mar hadii loo hanjabay waxa ay sameyn karaan waxa ay sheegeen Odayaasha dhaqanka in inta ay nafta ku jirto aysan ka suurtagalin inay ka qeybgalaan Shirka oo ay sheegeen in uu yahay waxa ay Koox wadato oo aan loo dhameyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com