Dhageyso: Odayaasha iyo Wax-garadka Gobolka Baay Oo Ka Walaacsan Siyaasada Is Diidan Ee Magaalada Baydhabo…

0

Baydhabo, AGGM: Odayaasha iyo wax-garadka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin heerka siyaasada is diidan ee Baydhabo ka jira taas oo keentay in bannaan baxyo rabashada wata ay ka dhacaaan gudaha magaaladaasi.

Odayaashan waxa ay sheegeen in hadii aan waxba laga qaban xiisadahan siyaasadeed ay gaari doonto meel qatar ah.

Magaalada ayay sheegayaan odayaashan in ay ku sugan yihiin dhinacyo iska hor jeeda kuwaas oo ku wada sugan magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dibad baxyo iyo rabshado salka ku haya xiisado ku dhisan maamullo is bar bar socda oo looga dhawaaqay gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com