DHAGEYSO:- Puntland oo dhuunta ugu jirta Cabdi Qeybdiid

0

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada maamulka Puntland Xasan Xaaji Saciid, oo saxaafada la hadlay ayaa cadeeyay in macquul aysan aheyn in magaalada Gaalkacyo laga dhiso labo garoon diyaaradeed oo isku dhow.

 

Wuxuu sheegay in garoonka ay dhisanayaan maamulka Galmudug uu yahay mid aan sharciyeysneen, islamarkaana ay isku cabir yihiin garoonka diyaaradaha ee horay ugu yiilay magaaladaasi.

 

Dhismaha garoomada ayuu sheegay inay leeyihiin nidaam u gaar ah oo ku aadan in laga fogaado garoomada kale ee ku yaala magaalada si looga digtoonaado waxyeelo ka dhalata isku dhacyada diyaaradaha, sida uu hadalka u dhigay.

 

Garoonkii hore ee magaalada Gaalkacyo iyo garoonka ay dhisanayaan maamulka Galmudug ayuu sidoo kale sheegay inay wadaagaan cabirka iyo fogaanshaha diyaaradeed.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalin ka hor sheegay inay jireen caqabado uu kala kulmay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.