DHAGEYSO:- QM,IGAD & EU oo ka hadlay arinta Barre Hiiraale

0

Qaramada Midoobay, urur goboleedka IGAD iyo midowga Yurub ayaa si isku mid ah kaga hadlay imaanshihii magaalada Muqdisho uu yimid Barre Aadan Shire Hiiraale oo qaatay qorshaha nabadeynta gobolada Jubbooyinka.

Warsaxafaadeed ay si wadajir ah usoo saareen seddexdaasi dhinac ayay ku sheegeen inay marka hore soo dhaweynayaan qorshaha dib u hishiisiinta ee ka bilaabatay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxay sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan in ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale ay galaan magaalada Kismaayo taasi oo qeyb ka noqoneyso qorshaha dowlada Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu nabadeeyo gobolada Jubbooyinka.

“Waxaan soo dhaweynaynaa hishiiska Barre Hiiraale iyo maamulka KMG ee Jubba oo garwadeenka ay ka tahay dowlada Soomaaliya, waa talaabo wanaagsan oo la qaaday oo qeyb ka ah qorshaha nabada iyo dhismaha Qaranka Soomaaliya”sidaasi ayaa lagu yiri warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen midowga Yurub,QM iyo IGAD.

Waxay sheegeen inay taageerayaan shirka dib u hishiisiinta oo todobaadyada soo socda ka bilaabanaya Kismaayo ayna gacan weyn ka geesan doonaan.

“Waxaan u taaganahay inaan taageerno shirka dib u hishiisiinta waxaana ka dalbaneynaa dhinacyada oo dhan inay doorweyn ka ciyaaraan xalka iyo dib u hishiiska iyo bulshada oo dhan la badbaadiyo”.

“Taageerayaasha caalamiga ee Soomaaliya waxay u midoobeen inay taageeraan qorshaha nabada iyo dhismaha qaranka dalka Soomaaliya”sidaasi ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay QM, IGAD iyo Midowga Yurub.

Wafdi wasiiro ah oo dhawaan tagay magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay inay Kismaayo geeyay Barre Hiiraale oo muddo sanad ka badan ku sugna duleedka magaalada kadibna usoo duuliyay magaalada Muqdisho.