Dhageyso: Saciid Jaamac Qorsheel “Waa dhaawac Maareeyaha Garoonka”

0

Muqdisho, AGGM:Xilli Warbaahinta qaar ay daabaceen inuu dhintay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Injineer Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) kadib weerar lagu qaaday Saaka gaari uu watay ayaa waxa arintaasi ka hadashay Xukuumada Somaliya.

Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada Xukuumada Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheel oo la hadlay goor dhaw Idaacada Dawlada ayaa sheegay in dhaawac uu yahay Maareeyaha iminkana lagu daweynayo Cusbitaalka Xalane ee AMISOM leeyihiin.

Wasiir Qorsheel ayaa sheegay in darawalkii iyo Askari ilaalinayey Injineer Cali Madoobe ay weerarkaasi ku dhinteen isagana uu gacanta bidix ka dhaawacmay iminkana uu hadli karo dhaawaciisuna yahay mid fudud sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

Mar la weydiiyey Wasiir Qorsheel in la ogaaday kooxda weerartay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay qeyb ka tahay beegsi dadka lagu hayo isagoo ku Eedeeyey inay Shabaabka ka dambeeyeen.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com