Dhageyso: Sadex Caruur Ah Oo Deegaanka Faxfaxdhuun U Geeriyootay Shuban Biyood Kadib Marki Ay Cabeen Biyo Wasaqeysan…

0

Fafaxdhuu, AGGM: Wararka naga soo gaaraya Faafaxdhuun ee gobolka Gedo ay Saddex caruur ah ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka kadib markii ay oon dartiis u cabeen biyo qaraar ah oo wasaqeysan.

Saddexdan carruurta ah ayaa biyaha wasaqeysan u cabay oon iyo harraad dartiis kadib markii biyo la’aan baahsan ay ka dhacday deegaanka Faafaxdhuun iyo tuulooyinka ku hareereysan.

Guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuqul Nuunow ayaa u sheegay Warbaahinta GFM ee gudaha dalka  in ay sidoo kale jiraan dad kale oo la il daran xanuunka shuban biyoodka.

Fuustada biyaha ayuu tilmaamay in ay deegaanka ka marayso 350,000 oo Shillin Soomaali ah, wuxuuna ku baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro shacabka ku dhaqan deegaanka Faafaxdhuun oo abaaraha, biyo la’aanta iyo caafimaad darrada ah si xun u saameysay.

Isku soo wada duuboo deegaanka Fafaxdhuun ayaa kamid ah deegaanada ee gobolka Gedo ee abaaraha ba’an ka jiraan, waxaana kasoo jeeda Gobolkaas R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

FADLAN

abaaraha gedo
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com