DHAGEYSO:- Wasaarada howlaha guud oo sheegtay inay baareyso dadka boobay dhulka iskaashatada ee wasaaradaaasi.

0

 

 

Wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska dalka ayaa sheegtay in waxba kama jiraan ay tahay wararka ku aadan in la boobay dhulkii ay lahaayeen iskaashada wasaarada oo maalmahaan la shaaciyay in shaqsiyaad gaar ah iibsanayaan.

 

Wasiirka ku xigeenka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa balanqaaday in wasaarada ay arimahaasi baaritaano dheeraad ah ku sameynayso si arimahaasi looga gun gaaro.

 

Wuxuu sidoo kale inay soo cabiri doonaan dhulalkii kaawooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna cadeeyay inay dib ula soo laaban doonaan haddii ay jiraan dad si sharci daro ah u dhistay, sida uu hadalka u sheegay.

 

“Waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo cid kasta oo tiri waa la dhisay dhulkii iskaashada wasaarada, been abuur waaye, dhulalkii kaawooyinka gobolka Banaadir cidii sharci daro ku dhisata ama goosatay, anagoo iskaashaneyna ayaan dib ula soo laabaneynaa”sidaasi ayuu yiri wasiirka ku xigeenka wasaarada.

 

Maalintii shalay ayay aheyd markii kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen gudi ka socday iskaashatada gobolka Banaadir iyo wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska dalka.