Dhageyso: Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud “Usbuucyada Soo Socda Ayaa Baarlamaanka Hor Geynaynaa Sharciga Xuduudaha”. Xiisada Puntland iyo Galmudug…..

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan Baarlamaanka hor gayn doonaan sharciga xuduudaha si loo soo af meero muranka ku saabsan soohdimaha maamullada dalka.

Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in marar badan loo ballansanaa ka doodista sharcigan hase ahaatee dib loo dhigay.

Fadhiyada soo aadan ayuu sheegay Cabdisamad in sharcigan diirada la saari doono si loo helo xal ku aadan muranada maamulada dalka laga dhisayo ama kuwa dhisan.

Maamullada looga dhawaaqay koofurta iyo bartamaha dalka ayaa dhaliyay is qabqabsi iyo xiisado siyaasadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com