Dhageyso: Xildhibaan Jeesow “Dowladda Iyo Xasan Sheekh-ba Beel Gaar Ah Ayay Horkacayaan”.

0

Muqdisho, AGGM: Sida oo Goor dhow shaaciyay Xildhibaan Amiin Jeesow maxamed ahna Gudiga Amaanka Baarlamka Soomaaliyeed ayaa sharci daro ku tilmaamey shirka maanta Kismaayo uga furmaya Affey iyo Axmed Maddobe, oo ay iyagu ugu magac dareen shirka dib u heshiisinta beelaha Jubboyinka oo ay Odayaal ay soo afduubeen isugu keenen meesha.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Gudoomiye ku xigeenka Gudigaasi oo la hadley Warbaahinta ayaa sheegey in ay muhiim tahay in la dhageysto rabitaanka Beelaha Jubboyinka degga ee aan shir qasab ah lagu afduubin.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Dowladda iyo Madaxweyne Xassan Sheekhba in ay hor kacayaan beel gaar ah oo ay iska indho tirayaan rabitaanka beelaha badi dega Jubboyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com