Dhageyso: Xildhibaan Nuur Faarax “Shirka Garbahaarey Cidna Dhibaato Kuma Aha”.

0

Muqdisho, AGGM: Waxa jiray dad kasoo horjeeda Shirka Magaalada Garbahaareey oo lagu sheegay mid lagu dhabar jebinayo Shirarka dib uheshiisiin ee ka kala socda Kismaayo iyo Baydhabo.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ee kusugan Garbahaareey ayaa beeniyey in Shirka ka socda Garbahaareey uu yahay mid dhibaato horseed looga dhigayo shirarka Kismaayo iyo Baydhabo.

Waxa uu Xildhibaan Nuur tibaaxay in Shirka Garbahaareey yahay mid looga tashanayo sidii danta iyo Mustaqbalka Bulshada deggan Gobolka Gedo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wada tashiga uu yahay sidii Beelaha deggan Gobolka Gedo ay uga arinsan lahaayeen qaabkii ay uqiimeyn lahaayeen arimaha Federaalka iyo sida ay dawlada udooneyso Maamul sameynta Gobollada iyaguna ay wixii ay isku afgartaan dib laga ogaan doono.

Waxa uu si cod dheer ah u beeniyey in Shirka Garbahaareey yahay mid lagu carqaladeynayo Shirarka Dib uheshiisiin ee ka socda Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com