Dhageyso+Daawo: Xildhibaanada Gobolka Gedo “Wax Shir Ah Oo Ka Furmaya Kismaayo Beri Majiro,Dowladda Waxay Noo Sheegtay 1-da Oktoobar” Iyo Shirkii Gedo Oo La Iclaamiyay..

0

Muqdisho, AGGM: Maalinnimada Barri ah ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ka Furmayo Shirka Dib u heshiisiinta Dadka Daga Gobolada Jubbooyinka Soomaaliya ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolka Gedo ay ka soo horjeesten Shirkaasi Kismaayo lagu qabanayo.

Xildhibaan Maxamuud Cali iyo Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Gedo oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Shirkaasi aan lagu wargalin islamarkaana Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka uu dhici doono Bisha Tobnaad ee soo socta sida uu sheegay.

Xildhibaanadaan ayaa waxaay sido kale sheegen in Magaalada Garbahareey ee Xarunta Gobolka Gedo uu ka dhici doono Shirweynihii Midnimo One 20/09/2014

Maanta ayey aheyd markii Banaanbax looga soo horjeedo qabsoomida Shirka Kismaayo uu ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com