Dhageyso:Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Deegano Hor Leh Oo Katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose…

0

Qoyooley, AGGM: Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Qoryooley kadib markii la sheegay in ay ka baxeen falaagada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi Maamed Xaaji Cismaan oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay u dhaqaaqeen deegaano gaaraya ilaa lix tuulo oo la sheegay in ay ka baxeen falaagada Al-Shabaab.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in wafdigii dhawaan tagay degmadaasi ay u ballan qaadeen dib u dhiska xarumaha dowladda hoose, dugsiga sare iyo isbitaalka degmadaasi oo uu sheegay in ay qalabeyn doonaan.

Isku soo wada duuboo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore ku dhawaaqday howl gal ay ugu magac dartay bad waynta Hindiya kaas oo ay sheegtay in ay dalka uga saareyso falaagada Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com