Dhageyso:Falaagada Al Shabaab Oo Sheegay Inay Xildhibaanada Baarlamaanka Gacmaha Ka Jari Doonaan.

0

Muqdisho, AGGM: Dawlada Soomaaliya ayaa mucaaradkeeda koowaad waxay ka dhiganeysaa Ururka diimeedka mayalka adag ee Al Shabaab halka ay dhankooda Al Shabaabkuna ay cadowgooda koowaad u arkaan AMISOM iyo Dawlada Soomaaliya.

Dhowr jeer ayey dagaalo ku dhexmareen labada dhinac qeybo katirsan Gobollada Dalka iyo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho hadana dhibaatada ugu badan waxay soo gaartaa Shacabka aan waxba galabsan.

Horjoogaha Uqaabilsan falaagada Al Shabaab gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen waxa uu sheegay inaysan dagaalka joojin doonin inta ay Dalka kusugan yihiin Ciidanka AMISOM.

Waxa uu Cali Maxamed Xuseen sheegay inay gacmaha ka jari doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo cid kasta oo ushaqeysa Dawalda sida uu hadalka u dhigay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com