Dhageyso:Malaaq C/raxmaan Malaaq Shiine “Shirka Kismaayo Ma Waafaqsana Sharciga”.

0

Baydhabo, AGGM: Malaaq C/raxmaan Malaaq Shiine oo ka mid ah Odiyaasha ku Sugan Magaalada Baydhabo o la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa Sharci daro ku tilmaamay Shirka ka socda Magaalada Kismaayo waxa uu sheegay in Shirkaasi uusan waafaqsaneyn Dastuurka.

Malaaq Shiine ayaa Sidoo kale Sheegay in Urur Goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka ay la wadaageen Shirka ka Socda Magaalada Kismaayo oo ay ku Wargeliyeen in aysan taageersaneyn Shirkaasi.

Magaalada Kismaayo waxa ka socda Shirka dib u heshiisiinta dadka daga Gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxa uuna ku soo aadayaa Hadalka Malaaq Shiine Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu sheegay in ay jiraan Dad wax Tabanaya oo ka maqan Shirka Kismaayo.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com