Dhageyso:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Oo Looga Yeeray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Mudo gaaban gudaheed  looga yeeray inuu ku horyimaado Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu kaga jawaabo su’aalo ay weydiinayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad Baarlamaanka ayaa qeexay Gudoonka Baarlamaanka in ay Warqad uqorayaan Ra’iisul Wasaare c.wali si Golaha Baarlamaanka uu u yimaado,iyadoo su’aala laga weydiinayo Heshiis Xukuumada ay lagashay Shirkad laga leeyahy Dalka Turkiga.

Mahad Cabdala Cawad ayaa kahor sheegay Xildhibaanada Ra’iisul Wasaaraha jawaab cad in uu kabixiyo Heshiiska Shirkada Turkiga iyo Xukuumada dhaxmaray iyo waxa uu dhigayo.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa si aad ah ugu kacsan Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana hubaal ah marba haddii ay hadda Xildhibaanada  ku bilaabeen inay uga yeeraan Baarlamaanka in xiliyada xiga uu baneen doono xafiiska oo ay seefta qaadi doonto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com