Dhageyso+Sawirro: Madaxweynaha oo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha gobolka Banaadir.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay maamulka iyo howl-wadeennada gobolka Banaadir. Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo ergo ka socotay gobollada dalka oo la casuumay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa kulankaan oo lagu qabtay xarunta KMG ah ee gobolka ee degmada Hiliwaa ka jeediyay khudbad, isagoo soo dhaweeyay martida ka soo qeyb gashay xafladda. Wuxuu madaxweynaha uga mahad celiyay kulanka uu la qaatay shaqaalaha gobolka oo uu ku tilmaamay mid dhiirri galin noqoneysa si ay howshooda u sii wataan.

Wuxuu Muungaab ku nuuxnuuxsaday waxyaabihii u qabsoomay maamulka inta uu xilka hayay, isagoo sheegay in ammaanka, dib-u-dhiska, Diriseynta bulshada, nadaafadda iyo xiriirka caasimaddu ay la leedahay caasimadaha dhiggeeda ah horumar badan laga sameeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay inay sii wadaan howsha loo igmaday, isagoo soo dhaweeyay horumarrada laga sameeyay xasilinta iyo bilicda magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyay kulankan, wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo iyo dadaallada socda ee dowladdu ay ku xaqiijinayso ammaanka iyo xasillooni siyaasadeed oo uu dalku gaaro 2016-ka.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay ka soo reyneyso, wuxuu shacabka deggan ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda isla markaana ay la yimaadaan dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah si loo soo celiyo maqaamkii ay lahayd magaalada Muqdisho.

Madaxwene Xasan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay nabad tahay si loo sii adkeeyona ay ciidamada ammaanku ay wadaan howl gallo socdo habeen iyo maalin si la mid ah gobollada kale ee dalka. Wuxuu sheegay in doorasho ka dhacdo magaaladan oo la doorto madaxdeeda ay tahay lagama maarmaan mustaqbalka.

Ergadii ka soo qeyb gashay kulankaan ee ka socotay gobollada dalka ayaa soo dhaweeyay horumarka caasimadda, ayagoo tilmaamay in magaaladu ay tahay nabad marka la dhex joogo haseyeeshee ay dadka ka maqani u maleeyaan in uusan ammaan ka jirin.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadihii

Khdubadii Madaxweynaha iyo Ergada

IMG_43151 IMG_4311 IMG_4286 IMG_4250 IMG_4002 IMG_3906 IMG_3791 IMG_3780 IMG_3767 IMG_3749 IMG_3686 IMG_3651 IMG_3644 IMG_3628 IMG_3627 IMG_3622 IMG_3603
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com