Dhageyso+Sawirro:Siyaasiyiin, Saraakiil, Ganacsato Iyo Aqoonyahanno Gaaray Magaalada Garbahaareey Si Ay Uga Qeyb Galaan Shirka Midnimo One.

0

Garbahaarey, AGGM: Ergooyin isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo Dibeddiisa iyo qaar kamid ah deegaanada gobolka Gedo ayaa ku qulquleysa magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo, iyadoo ay socdaan qaban qaabadii u danbeysay shirweynaha wadatashiga dadka dagan gobolka Gedo.

In ka badan 500 ergo oo ka kala socota deegaanada iyo degmooyinka gobolka Gedo iyo dalka dibeddiisa ayaa qorshuhu yahay in ay ka qeyb galaan shirkan, iyadoo dadku wadatashi guud ka yeelanayaan arrimaha Siyaasadda, dhaqanka iyo midnimada. Diyaarado wada ergooyin ayaa maanta labo jeer gaaray degmada Garbahaareey, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabo xoogleh oo ku aadan shirweynahan.

Gudiga farsamada ee loo saaray shirka ayaa soo gaba-gabeeyay shalay gelinkii danbe wada la tashiyo ku aadan dhinacyada ka qeyb galaya shirka, waxaana uu wadaa diyaarinta meelihii la dejin lahaa ergooyinka iyo wixii tasiilaad ee ku saabsan qabsoomida shirweynaha.

Siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dad u badan qurba-joog ayaa gaaray magaalada Garbahaarey, si ay uga qeyb galaan shirweynahan, waxana wafdiga maanta gaaray kamid ah, General Cali Madoobe, Dr. Cabdi Shire Warsame, Ganacsade, C/laahi Amko, iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood ka qeyb galaya shirkan.Iyadoo geesta kale ay maalinta bari ah soo dhamaystirmi doonaan wafdigan oo Muqdisho ka imaaan doonaan Xildhibaanno, iyo Xubno ka tirsan Xukuumadda oo shirka ka qeyb galaya.

Shirka ka dhici doono Garbahaareey ayaa aad loo hadal hayay maalmihii u dambeeyay, waxaana magaalada ka socda diyaar garow iyo howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka.

20140923_144215

20140923_144945

20140923_144208

20140923_152431 20140923_152122 20140923_152008 20140923_151932 20140923_151736 20140923_151726 20140923_151629 20140923_145119 20140923_145102

20140923_155002
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com