Dhageyso:Waxgarad Iyo Siyaasiyiin Ka Xanaaqay Shirka Kismaayo Iskagana Baxay Iyo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Weli Banaanka Ka Jooga Shirka..

0

Kismaayo, AGGM:Xilli shalay Magaalada Kismaayo uu ka furmay Shir lagu sheegay inuu yahay mid dib uheshiisiineed oo loo qabanayo dadka kasoo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa waxa hadana soo baxaya in arintaasi odayaal ay ka caroodeen sida ay wax ubilowdeen.

Suldaan Cabdi oo ka mid ah Waxgaradkii lagu Casuumay Shirkaasi ayaa saxaafada usheegay in Shirka ay iskaga baxeen isaga iyo Odayaal kale kadib markii uu sheegay in ay ogaadeen in shirka dano gaar ah ka leeyihiin Maamulka Axmed Madoobe sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Suldaankaasi sheegay inay ka dhex waayeen Shirkaasi waxyaabihii muujinayey in Dadka Jubbooyinka islamarkaana Ku Eedeeyey Horjoogaha Raaskambooni inuu dano kale ka leeyahay Shirkaasi.

Oday Dhaqameedkaan ayaa sheegay in isaga iyo Xubno uu ku jiro Gudoomiyaha Degmada Garbahaareey Imaan Cadoow Kaarshe iyo Xubno kale ay shirka iskaga baxeen kadib markii ay arkeen in arimo aan dib uheshiisiin aheyn oo meesha ka socoto.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com