Dhageyso:Xildhibaan Daahir Jeesoow “Dagaalo Ayay Horseedayaan Maamulada Laga Dhisayo Gobolada”.

0

Muqdisho, AGGM:Magaalada Baydhabo waxa ka socda Shir Dib uheshiisiin iyo Maamul lagu dhisayo Seddex Gobol oo dawladu hore utaageertay inkastoo dadka kasoo jeeda Gobollada Maamulkaasi loo dhisayo aysan ku qanacsaneyn sida ay wax usocdaan.

Sidoo kale Magaalada Kismaayo waxa kasocda Shir dib uheshiisiin loogu sameynayo Dadka kasoo jeeda Beelaha Jubbooyinka walaw ay jiraan dad ka baxay shirka kadib markii ay u arkeen in cadaalad aheyn sida ay wax usocdaan.

Hadaba Shirarkaasi waxa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Dawlada sida Shirka Baydhabo waxa furay R/wasaare C/weli Shiikh Axmed halka shirka Kismaayo uu iska furay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa ka digay in maamulada laga dhisayo gobollada Dalka inay keeni karaan dagaal shacabka dhexmara isagoo sheegay in wixii ka yimaada ay madaxda dawlada qaadi doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com