Faah-Faahin:- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo tagay magaalada Baydhabo

0
Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Baay, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Amaanka Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana iska kaashaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISO gaar ahaan Ethioipa,waxaana loo galbiyay hooyga uu ka degi lahaa Baydhabo.

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ayaa waxa uu magaalada Baydhabo kulamo kula leeyahay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo odoyaasha dhaqanka, iyadoo kulamadaasi ay yihiin kuwa weli socda, loogana hadlayo sidii ay u taageeri lahaayeen maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Ujeedka ugu muhiimsan ee Jawaari u gaaray Baydhabo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii dhex dhexaadin ugu soo sameyn lahaa maamulada is ra”I diidan ee ka jira Baydhabo.
Lama inta maalmood ee Baydhabo uu ku sugnaan doono gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo in isla caawa uu ka soo hoyan doono.