Fadeexad: Khudbaddi Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Fatiha Serour Ee Shirki Shalay Ka Dhacay Kismaayo Oo Weriyeyaasha Lagu Wargaliyay Inaysan Baahin Karin. Maxay Tahay Sababta.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Weriyeyaasha ka hoowlgala magaalada Kismaayo lagu wargaliyay inaysan baahin karin Khudbaddi Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour Ee Shirki shalay ee magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in weriyeyaasha ka hoowlgala magaalada Kismaayo lagu wargaliyay weriyihi Baahiya ama gudbiya Video-ga khudbadi Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour Ee Shirki shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhameystiran ay muteysan doonaan ciqaab dil ah.

Weriye ka gaabsaday magaciisa kana hoowlgala magaalada Kismaayo oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in si cad ay ugu hanjabeen dhamaan weriyeyaasha Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kadib markii ay duubeen Khudbadi Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour ay shalay ka jeedisay Shirki magaalada Kismaayo oo Video ah ayna ku sheegtay in “Shirka Kismaayo aan loo Dhameyn oo ay Madasha uga muuqdaan oo kaliya garab kamid ah garabyadi ku dagaalamay magaalada Kismaayo ee la doonayay in shirka lagu heshiisiiyo”.

Sidoo kale Weriyeyaasha TV-yda Soomaalida ee ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa iyagana  si cad iyagana loogu sheegay inaysan baahin karin khudbaddi  Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour oo dhameystiran.

Dhinaca kale waxaa dacwad qoraal ah oo ka dhan ah Qarinta iyo Hanjabaad ay weriyeyaasha ay u geysteen Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kadib khudbadi Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour Ee Shirki shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo gudbiyay xafiiska Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour.

Isku soo wada duuboo tani ma,ahan marki ugu horeysay ee ay sameeyaan Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, sida caadada iyo dhaqan u ah Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxa ay  Hanjabaad iyo dilal qorsheysan  u geystaan dhamaan cidii kasoo horjeeda fikirkooda guracan iyagoo ka duulaya inaan warbaahinta faafin amaba ay  waxba ka qorin Xaqiiqda jirta iyo tacadiyada waxuushnimada ah ee ay ka geystaan gudaha magaalada Kismaayo.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com