Gaari waxyabaha qarxa ka buuxaan oo la qabtay+FAAHFAHIN

0

Booliska dalka Uganda ayaa sheegay inay qabteen gaari, kaasi oo la sheegay in laga buuxiyay waxyabo qarxo oo la doonayay in loo adeegsado weerar laga hortagay oo laga geystay rabay caasimada Uganda.

Gaariga oo noociisu yahay Noah, kuna diiwaan gashan taargada dalka koofurta Sudan ayaa lagu qabtay deegaanka Mengo-Kisenyi kadib howlgal balaaran oo sabtidii laga sameeyay dalkaasi Uganda.

Gaariga la qabtay ayaa wararka la xiriira waxay soo shaafbaxeen maalintii shalay, waxaana baaritaankaasi sameeyay cutubka ciidamada ay ugu magac dareen la dagaalanka argagixisada.

Ciidamada booliska ayaa horaantii todobaadkaan waxay sheegeen inay ka hortageen weeraro Alshabaab ay qorsheynayeen inay ka geysteen dalkaasi, iyagoo soo bandhigay dad ay Alshabaab ku sheegeen.

Maalintii sabtida howlgalka ay sameeyeen ciidamada booliska Uganda waxay kusoo qabteen 19 ruux, iyadoo Isniintiina la qabtay 7 ruux oo Alshabaab looga shakiyay.

Howlgalkaasi ayaa waxaa dowlada Uganda ay ku sheegtay inay ka wada qeyb qaateen ciidamada kala duwan ee amaanka Uganda, oo loogu magac daray ciidamada ka dhanka ah Argagixisada.