Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Shabaab laga wada saaray Gobolkaasi oo idil

0

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab laga wada saaray deegaanada Gobolka Hiiraan oo idil, tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean).

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa qeexay in xilligaan ay degan tahay xaalada Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka carareen Shabaabka.

“Al Xamdulillaah dhulka hadda wuu iska fiican yahay, wayna ka kala carareen nimankii, ilaa iyo hadda majirto goob ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.” ayuu yiri Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan.

C/fataax Xasan Afrax, ayaa qiray in ay jiraan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo aynaan weli gaarin Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayna ka baxeen Xoogaga Shabaab, isla-markaana ay ku sii jeedaan Ciidamada Huwanta.

“Goobaha aysan gaarin Ciidamada Dowladda iyo Amisom way ku wajahan yihiin, mar hore ayayna ka baxeen.” ayuu yiri Gudoomiye Afrax oo saacado ka hor gaaray Degmada Buulo Burde.

C/fataax Xasan Afrax, ayaa xaqiijinaaya in saacadihii ugu dambeeyay ay furayn wadooyinka gala Degmada Buulo Burde, ayna bilaa dagaal ku furayn, markii ay ka carareen Xoogaga Shabaab, sida uu yiri

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa ku siqaaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, xilli ay soo baxayaan warar sheegaaya in inta badan dagaal-yahanada Shabaabka laga saaray.