Horjoogayaasha Shabab oo ka cararay iyo saraakiil Mareykan ah oo gaaray…

0

Xubno sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in Saraakiil sar sare oo kasoo jeeda Dalka Mareykanka ay gaareen Gobolka Shabelada Hoose.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Saldhigyada Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose, ay xiligaani ku sugan yihiin Saraakiil ka tirsan Mareykanka, kuwaasi oo la sheegay inay indha-indheynayaan xarumaha Maleeshiyada Alshabaab ay uga sugan yihiin Gobolka si ay halkaasi uga geystaan weeraro lamid ah kan lagu Kharijiyay Axmed Godane.

Sidoo kale, Ilo-wareedka ayaa xaqiijinaaya in Saraakiishaasi ay mid kamid ah Dalalka Africa kusoo diyaarsadeen Diyaaradaha wax Basaasa iyo kuwa duqeymaha lagu fuliyo, iyadoona uu Ujeedku yahay in lagu weeraro Xarumaha Maleeshiyada.

Maxamed Xaaji Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Degmada Qoryooley, ayaa sheegay in Saraakiisha Mareykanka ay kullamo xasaasi ah la qaaten kuwa AMISOM ka jooga Gobolka, waxa uuna tilmaamay inay ka arinsadeen sidii Maleeshiyada loo soo afjari lahaa.

Waxa uu sheegay in Ujeedka Saraakiisha uu yahay duqeymo cirka ah oo ay ku qaadan Goobo ay kamid yihiin Baraawe iyo Sablaale.

Horjoogayaasha Maleeshiyada Alshabaab ayaa iyaguna bilaabay inay halkaasi ka cararaan, Carruurtooda iyo weliba Xaasaskooda, taasi oo ka danbeysay kadib markii laga arinsaday fulinta weeraro dhanka Cirka ah.