Horjooge Shabab oo caan ah oo looga shakiyay shirqoolkii lagu dilay Godane

0

Warar laga helay Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab ay qabaan tuhun ah in Mahad Karatey uu ku lug lahaa dilkii hogaaiyihii kooxdaas Al-Shabaab.

Sida uu qoray website-ka garab ka mid ah Al-Shabaab (Rasminews.com), Shakiga laga qabo in Mahad Karataay uu maleegay weerarka Axmed Godane lagu dilay ayaa la sheegayaa inuu si rasmi ah usoo shaac baxay, kadib markii Mahad Kartaay uu dhowr jeer Habeenka la dilaayay Godane uu ku noq-noqday gaariga uu lahaa Axmed Godane.

Godane ayaa la sheegay in habeenkaasi uu shaki soo galay, uuna Mahad Kartaay ahaa shaqsigii ugu dambeeyay oo ay kulmaan hogaamiyaha Al-shabaab saacad kahor inta aanu la beegsanin.

Sidoo kale, wararka qaar ayaa sheegaya in Mahad Karataay uu ahaa shaqsigii ugu dambeeyay ee Teleefon-ka kasoo wacay saacad kahor intaan duqeyntii Mareykanka lagu dilin Godane, Wicitaankaasi oo la tilmaamay inay aheyd mid lagu hagaayay Diyaaradii Duqeynta geysaneysay.

Horjooge ka tirsan Maleeshiyada ayaa xaqiijiyey in Hoggaanka Sare ee Maleeshiyada ay si gaar ah farta ugu fiiqayaan xiligaani Mahad Karataay, iyagoona isku wargalinaaya inuu ahaa shaqsiga kadambeeyay dilka Axmed Godane.

Shakigaani ayaa laga cabsi qabaa in hadii uu sii weyn ugu soo shaac baxo gudaha Maleeshiyada Alshabaab, ay muuqaneyso khatar ku aadan midnimada Kooxda, maadama uu shaqsigaani yahay ninka labaad ee kooxda Al-shabaab, ayna dagaallo ka dhex qarxi karaan kooxda.