Daawo: Khilaafka iyo kala qeyb sanaanta Shabaab oo sii xoogeysatay “Warbixin”

0

Muqdisho, AGGM: Khilaaf iyo kala qeyb sanaan hor leh ayaa soo kala dhexgalay maleeshiyaadka Al-Shabaab, taasi oo soo ifbaxday kaddib dilkii horjooge Axmed Godane.

Sida ku cad xog muhiim ah oo ay heshay Warbaahinta Qaranka waxaa jira khilaaf aad u balaaran oo ka dhex dilaacay kooxda Shabaab, kaas oo leh wajiyo kala duwan, salkana ku haya kaddib geeridii Axmed Godane waxa uu noqonayo mustaqbalka Kooxda Shabaab.

Muranka ayaa waxaa uu yahay sadex dhinac le u dhaxeeya horjoogaha cusub ee Kooxda Shabaab Axmed Diiriye, maleeshiyaadka loo yaqaano amniyaadka oo ahaa gacantii uu wax ku dilijiray Axmed Godane iyo kooxo isbahaystay oo uu hogaaminayo Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur kuwaas oo ah maleeshiyaadkii horay uga falaagoobay Axmed Godane.

Doonista kala duwan ee kooxahan ayaa ku kala salaysan horjoogaha cusub oo doonaya in uu ku maamulo kooxda gacan adag oo la mid ah tii Axmed Godane halka kooxda amniyaadku aanay ku qanacsanayn in ay si buuxda isugu dhiibaan Axmed Diiriye oo ah horjooha cusub ee Shabaab, iyagoo ku andacoonaya in aanay aaminka ku qabin in uu xafido sirtooda , kooxda Rooboow ayaa iyana doonaya in si faahfaahsan loogu soo bandhigo nuuca ay yihiin iyo cidda maamusha kooxda amniyaadka oo ay u arkaan in ay yihiin aalad loo isticmaalay dilkii horjoogayaashii waawaynaa ee uu Godane qaarajiyay iyagana ay ku dabajireen walina amarkaas ay qabaan.

Shirar isdabajoog ah oo matalayaasha kooxahaas oo dhan ay ku lahaayeen Degmada Baraawe ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, taas oo keentay in hub uruursi ay qolo kastaa gaarkeeda u wadato uu ka dhex bilawdo kooxda, waxaa kaloo jira xitaa qaar ka mid ah maleeshiyaadku ay hadal hayaan in ay badashaan magaca, waxaana hadal hayanta ugu wayn hadda ay tahay in maleeshiyaadkii gaarka ahaa ee Axmed Godane oo lagu naanaynaaso agoontii Godane ay doonayaan in ay ku dhawaaqaan in ay la midoobeen kooxda Daacish kana baxeen Al-Qaacidda, maadaama intii aanu la dilin Godane uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeyay Al-Qaacidda.

Kooxda Rooboow oo geeridii Godane ay rajo gelisay ayaa hadda dib u liqay hankaaas kuna laabanaya duurgalnimadoodii kaddib markii ay ku guuldaraysteen in ay kala fur-furaan maleeshiyadii Axmed Godane,

Kala taagnaantaas ayaa madaxwareer ku riday horjoogaha cusub ee Axmed Diiriye oo madaxiisa ay ku fooraraan afar waran oo ka kala imaanaya ciidamada qalabka sida iyo kuwo nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOMoo kaabiga ku haya hooygii ugu danbeeyay ee Shabaab Baraawe, ciidamada sirdoonka iyo saaxiibadooda caalamiga ah oo laraadinaya damin la mid ah kii ay ku qaarajiyeen horjoogiii hore ee Shabaab Axmed Godane iyo garabyada amniyaadka iyo hood ku noolayaasha Rooboow oo iyana kala jiidanaya horjooge Diiriye oo kooxdii uu uliico maahee tan kale ay hubaal tahay in ay  la coloobi doonto.

W/Q  Cabdiraxmaan Yusuf Al Cadaala

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com