Top News:Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka: “Xukuumaddu Mar dhow ayey wadahadal la bilaabaysaa Puntland”.

0

Muqdisho, 21,  Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Mudane Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in wadahadaladii la filayey inay dhowaan dhex-maraan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimi sababo farsamo awgeed.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo arrinta wadahadalada Puntland ka hadlayey waxa uu yiri:

“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran”.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse 
Warbaahinta Xafiiska R.W 
Mogadishu-Somalia 
Email1: media@opm.gov.so 
Email2: abrashidmuse@gmail.com 
Tell: +252616318823 
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com