Kulan wada tashi ah oo ka dhacay magaalada Beydhabo

0

Kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa sidii loo dhameystiri lahaa shirka dib-u-heshiisiinta shacbiga dega gobollada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Baydhabo uu ku dhex maray Odayaasha dhaqanka gobolladaasi iyo gudiga farsamada ee ay Xukuumaddu u xil saartay maamul u sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Xasan Fiqi oo ka mid ah guddiga farsamo ayaa sheegay in dowrka ugu muhiimsan ay leeyihiin odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada halka guddigu ay qaadan doonaan dowr fududeyn ah.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Khaalid Cumar Cali ayaa qeybaha bulshada u sheegay in wax badan ay qabsoomeen intii lagu guda jiray howsha maamul sameynta, loona baahan yahay in la sii wado shaqadaas si loo gaaro hadafka la leeyahay oo ah in la helo maamul ay dadka degaanku u dhan yihiin oo ka shaqeeya gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Wakiilladii ka socday odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay dowladda dhexe ku bixineyso sameynta maamulkaas, ayagoo shirka ka sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhameystiri lahaa maamulkan ayadoo loo marayo wada hadal iyo dib u heshiisiin.