Laba Ruux Oo Lagu Dilay Xerada Qaxootiga Dhagaxleey Ee Dhadhaab Kenya.

0

Dhadhaab, AGGM: Koox hubaysan ayaa gelinkii dambe ee maanta laba nin oo rayid ahaa ku dishey xerada qaxootiga Dhagaxleey oo ka tirsan degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi/bari ee dalka Kenya.

Labada nin ayaa ka tirsanaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeradaas.

Kooxda geysatey dilka labada nin ayaa ka baxsaday goobta, lamana garanayo sababta iyo cidda ka dambeysey falkaas dilka ah.

Wariye madax bannaan oo ku sugtan xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo u warramay Warbaahinta ayaa labada nin ku kala sheegay Cabdifitaax Axmed Ismaaciil (Maykal) oo horay u ahaa guddoomiyaha xerada qaxootiga ee Dhagaxleey iyo Cabdi Maxamed Candi (Kalba) oo kamid ahaa xoogsatada ku nool isla xeradaas.

Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku nool qaxooti tiradiisa lagu qiyaaso nus malyuun qof oo u badan Soomaali, waxaana dhowr goor oo hore lagu diley xeryahaas dad aan waxba galabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com