Maamulka iyo shacabka Hodan oo kawada hadlay adkeynta amniga degmadaasi

0

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda DDG ayaa saddexdii cisho ee la soo dhaafay looga arrinsaday sida ugu haboon ee ay wada shaqeyn u dhex mari karto qeybaha bulshada iyo Maamulka Degmada Hodan, iyadoo ka qeyb galaayashii kulanka ay soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah oo arrimaha amniga iyo kuwa kale ku saabsan.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay kulanka ayaa si wada jir ah u sheegay inay ka go’antahay la shaqeynta hay’adaha amniga iyo dib u soo celinta bilicdii ay degmadu lahayd.

Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdiqaadir Cali Kulane oo ka hadlay kulanka ayaa uga mahadceliyay araahda ay soo gudbiyeen shacabka degmada ku nool, isagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin la shaqeynta bulshada ku nool degmad, ayna xoojin doonaan dib u soo celinta adeegyada guud ee bulshada.