Madaxweynaha Somaliya oo shir looga hadlaayo argagaxisada maanta kaga qaybgalaaya Nairobi

0
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waxa uu Magaalada Nairobi kaga qaybgali doonaa shir looga hadlaayo arrimaha argagaxisada.


Shirkaan waxaa ka qaybgali doono Madaxda Qaarada Afrika qaarkood, wuxuuna daba socdaa shir kale oo dhawaan lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya, kaa oo looga hadlaayay la dagaalanka argagaxisada.

Safiirka Somaliya ee Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa sheegay in shirkaan uu socon doono hal maalin oo kaliya, isla-markaana ay Madaxda Afrika xoogga ku saari doonto la dagaalanka argagaxisada.

Safiirka wuxuu kaloo sheegay in sidoo kale shirkaan looga hadli doono arrimaha ammaanka ee Qaarada Afrika, balse ma sheegin in Madaxda Afrika iska wada kaashan doonaan la dagaalanka argagaxisada & arrimaha ammaanka iyo in kale.

Madaxweynaha Somaliya iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ka dib markii ay ka soo amba baxeen Magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weerarkii Axadii ka dhacay Xarunta Godka Jilacow ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ku tilmaamay fal argagaxiso.

Madaxweyne Xasan waxa uu War Saxaafadeed ku sheegay in Al Shabaab ay sii wadi doonto weerarada ceynkani oo kala ah, oo uu ku macneeyay mid fuleynimo ah, oo ka yimid hawlgalada baaxada leh ee lagu qaaday.