Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kenya Kaga Qeyb Galaya Shir Argagixsada Looga Hadlayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Keny ayaa halkaasi kaga qeyb galaya shir looga hadlayo arimaha argagxisada oo wadamada Africa kaga furmaya dalkaasi.

Shirka oo furmaya 2-da Bishaan aynu ku jirno ayaa waxaa yeelanaya hogaamiyaasha Africa,iyadoo si gaar ah diirada lagu saari doono sidii looga hortagi lahaa falalka amandari ee ka dhaca gobolka gaar ahaan dalalka u nugul weerarada argagixisada sida Kenya iyo wadamo kale.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha uu ka midyahay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu safiirku tilmaamay in kulanka berri uu yahay mid Madaxda Afrika uu ku casuumay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Cai Ameeriko ayaa sheegay in muhiimada shirka uu yahay sidii qaarada Africa looga tir tiri lahaa wuxuu ugu yeeray argagixisada faraha kulul ku heysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga yaabaa inuu khudbad xaalada Soomaaliya ku saabsan ka jeediyo.

Ururka Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaa’ida ayaa hada dagaal kula jirta Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamo kaabaya,waxayna weeraro ka geysataa meelo ka baxsan Soomaaliya.