Daawo:Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeedinaya furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka

0

Muqdisho, AGGM: Kadib maalmo jahwareer ka taagnaa xil ka qaadistii Golaha Wasiirada Soomaaliya ku sameeyeen madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa haatan waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu si rasmi ah u aqbalay go’aanka Golaha Wasiirada ee shaqada lagaga eriyay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Inkastoo aanu helin digreetadii Madaxweynaha ee aqbalaada xil ka qaadista Sanbaloolshe, hadana waxay wararku sheegayaan in xalay la dhameeyay arrintan, laguna war geliyay Sanbaloolshe in laga qaaday xilka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda deg deg uu ku magacaabi doono Agaasimaha cusub ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Ilo wareedyada ay heleyso Jowhar.com ayaa warkooda intaa ku daraya in labo xubnood midkood loo wado xilka Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka kuwaasoo kala ah Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Col. C/raxmaan Tuur-Yare, kaasoo horay u ahaan jiray Sarkaal ka tirsan Hey’adda Nabadsugida.

Madaxweynaha ayaa markii hore ka biya diidanaa habka Golaha Wasiirada u mareen 7-dii bishan ee xil ka qaadista Mr Sanbaloolshe, oo aan aheyn qaab sharci ah, taasoo keentay in mad madow uu soo kala dhex galo isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee aqbalaadan ayaa ku soo aaday, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta furmayo, iyadoo la hadal haayo mowjado siyaasadeed inuu dalka galo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com