XOG:Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Damujadiid oo Qorsheynaya in Abdullahi Sanbaloolshe u magacaabaan Masuuliyad Kale, Waa Maxay ujeedadu?

0

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxdiisa Damujadiid ayaa qorsheynaysa inay u magacaawdo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Abdullahi Sanbaloolshe oo dhowaan golaha Wasiiradu ka qaadeen Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kooxda Damujadiid ayaa dooneysa inay kala qaado Duqa magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu haatan isku hayo Mr Muungaab, Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid ayaa u balan qaaday Mr Abdullahi Sanbaloolshe inay siiyaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyadoo weliba la hoos keenayo dhamaan laamaha amniga Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Damujadiid ayaa la sheegayaa inay aad uga shakiyeen lacagaha faraha badan ee uu aruursanayo Muungaab iyo safarada badan oo Gudoomiyaha/Duqa Gobolka Banaadir uu ku booqanayo Dalal badan oo ka tirsan caalamka, Kooxda gaarka ah ee Xuuraanka u qaabilsan Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa sheegay inay heleen in Mr Muungaab doonayo inuu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan Tartanka madaxtinimada Dalka ee sanadka 2016-ka, sidaa daraadeedna Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Damujadiid bilaabeen raadinta masuulkii ay siin lahaayeen Duqa Magaalada Muqdisho halka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir-na siinayaan Mr Abdullahi Sanbaloolshe

Abdullahi Sanbaloolshe ayaa shacabka Muqdisho ku sheegeen inuu ahaa nin hawlgaladiisa intii uu joogay Hayadda Nabadsugida isugu jireen qeybo wanaagsan iyo qeybo xun, Wasiirka Amniga Ereg iyo Sanbaloolshe ayaa shacabka Muqdisho sheegayaan hawlihii hubka dhigista aan qorshaha loo sameyn ee soo boodada ahaa oo ay Muqdisho ka sameeyeen ay soo kordhyeen Amaan uu dareemayo shacabka.

Magaaladda Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhacay hubkii lagu kala gadan jiray agagaaraha Daarta Zobe sidoo kale waxaa aad hoos ugu dhacay xabadihii micna la’aanta ee maliishiyaadka iyo ciidamada Dawladdu ka dhex ridi jireen Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa qeybihiisa xun lagu sheegay inuu ahaa nin aad u dabeecad u qalafsan aan la shaqeyn jirin Golaha wasiirada iyo Wasaaradda Amniga, sidoo kale Sanbaloolshe wuxuu ahaa nin aan ilaalin sharciga iyo xuquuqul insaanka, wuxuu si toos ah ugu xirnaa kaliya Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Wasiirka Garsoorka Farah Abdulkadir.
Ujeedka Magacaabida Abdullahi Sanbaloolshe ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu caburiyo Saxaafadda xorta ah iyo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta aaminsan fikir ka duwan kan kooxda Damu Jadiid oo uu Hogaankooda Hassan Sheikh uu dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu mar labaad xilka qabto marka la gaaro sanadka 2016-ka, Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Damujadiid ayaa haatan diyaargarow adag ugu jirta sidii xukunka dalka u qabsan lahaayeen isbedelka la filayo sanadka 2016-da.

Ku dhawaaqida Hassan Sheikh ee ah inuu yahay Musharax Madaxweyne sanadka 2016-ka ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyada oo Madaxweyne Hassan sheikh iyo Kooxdiisa Damujadiid Bilaabeen inay la wareegaan Jagooyinka Muhiimka ah ee Amniga iyo ilaha dhaqaalaha Dalka iyaga oo isticmaalaya company-yo ka diiwaan gashan dalka Turkiga, Dalka Turkey ayaa ah mid kalsooni ka abuurtay shacabka Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa bilaabay inay ka hadlaan sida loogu baahan yahay in Baarlamaanka iyo Xukuumaduba u kala saaraan Dawladda Turkey oo mudan in qof kasta oo Soomaali ahi u mahad celiyo iyo Company-yada Tuugada ah ee ay isticmaalayaan Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid, Company- ga FAVORIi ee Garoonka Muqdisho gacanta ku haya iyo Company-ga haatan loo dhiibay Dekeda Muqdisho ee AL BAYRAK ayaa la sheegayaa inay ku lifaaqan yihiin Company-ga Madaxweyne Hassan Sheikh ee AL KHEYRAAD. Sidoo kale labadaan Company ayaa la sheegayaa percentage-yada ku qoran inay leeyihiin inay qeyb ku leeyihiin Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Walaashiisa Nuurta Sheikh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com