Madaxweyne Hassan Sheikh oo si sharci daro ah ugu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida nin qaraabo dhow la ah, Muxuu yahay ujeedka Damu jadiid?

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa si sharci daro ah ugu magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Qaranka Soomaaliya nin ay yihiin qaraabo dhow oo lagu Magacaabo Abdirahman Mohamed Turyare kadib markii Madaxweyne Hassan Sheikh uu ku guul dareystay inuu si sharci daro ah ugu sii haayo Agaasimihii Hayadda Nabadsugida Mr Abdullahi Sanbaloolshe oo golaha wasiirada Soomaaliya horey xilka uga qaadeen. Magacaabida Sharci darada ah ee Tuuryare ayaa Madaxweyne Hassan Sheikh ka dhigaysa nin qabyaaladiisu faraha kasii baxayso, qaranimada Soomaaliyana ka doortay qabyaalad iyo Musuqmaasuq baahsan.

Magacaabida sharci darada ah ee Taliyaha Ciidanka Nabadsugida loo magacaabay Tuuryare ayaa ah mid ku timid soo jeedinta Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Farah Abdulkadir oo sidoo kale ah hogaamiyaha Ruuxiga ee Kooxda DAMUJADIID, Farah Abdulkadir ayaa arintaan usoo jeediyey maadaama Hassan Sheikh yahay nin aad u jecel in xilalka muhiimka ah loo dhiibo jufadda hoose ee madaxweynaha (Waceysle/Cali Gaaf).

Magacaabida Tuuryare ee Nabadsugida Soomaaliya ayaa kusoo aaday xili uu safar shaqo ku maqan yahay Raisul Wasaare Abdiweli, Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa shir gudoomiyay shir sharci daro ah oo ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah Golaha Wasiiradda. Magacaabida Tuuryare ayaa ujeedadda laga leeyahay tahay in lagu caburiyo Saxaafadda Xorta ah iyo sidoo kale Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka fikirka duwan Kooxda Damujadiid ee ku jira Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya ninka uu Madaxweyne Hassan Sheikh ugu magacaabay sida sharci darada ah ee lagu magacaabo Tuuryare ayaa ah nin hore hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha ee gudaha Soomaaliya iyo caalamku-ba ku eedeynayeen inuu geystay ku xadgudub xaquuqda aadanaha xiligii yaraa ee uu hayey Gudoonka Maxkamada Milateriga Soomaaliya. Tuuryare ayaa dilal ku fuliyey dhalinyaro badan oo aan helin cadaalad buuxda oo lagu eedeeyay inay falal dil ah ka qeyb qaateen, dhalinyaradaas oo lagu tuhmayey kamid ahaanshaha kooxda ku xad gudubtay diinta islaamka ee Alshabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda Milateriga Abdirahman Turyare oo ay ahayd inuu shaqada uu qabanayo ka bilaabo inuu maxkamadda Ciidanka saaro talaabooyinka adagna ku qaado Masuuliyiinta, Saraakiisha musuqmaasuqa baahsan ku haya dhismaha Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Qeybaha kala duwan ee ciidamada Xooga Dalka, Booliiska, Nabadsugida iyo Saraakiisha Saadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa ah kuwo si baahsan u Musuqmaasuqa Mushaaraadka , Saadka iyo qarashaadka loogu Tala galay hawl gelinta ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, dhaqaalaha ciidanka ayey ku Takrifalaan qaar kamid ah Masuuliyiinta Wasaaradda, Saraakiisaha iyo Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Tuuryare oo ay ahayd inuu wax qabto Askarta Ciidanka Milateriga Soomaaliya oo isbaarooyin lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed dhigta jidadka Goboladda Soomaaliya ee ay ciidamada Xooga Dalka joogaan.

Isku soo duube Magacaabida sharci darada ah ee Tuuryare ee kooxda Damujadiid ayaa ah mid lagu doonayo in lagu lunsado dhaqaalaha Wasaaradda Amniga iyo Hayadda Nabadsugidda ka helaan miisaaniyadda Dawladda iyo Deeqaha laga helo Dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Dalalka kale ee Caalamka, Dawladda Turkiga ayaa bishii siisa lacag Cash ah oo dhan 4.5 Milyan Doolar (Afar Milyan iyo Shan Boqol oo Doolar ) oo Turkigu ugu talo galay inuu ku caawiyo dalka Soomaaliya, Lacagtaas ayaa Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid u qorsheynayaan inay ku ridaan Xukuumadda RW Abdiweli sidoo kalana ugu diyaar garoobaan dib u hanashada Xukunka Dalka Kooxda Damujadiid qorsheynayso sanadka 2016-ka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com